Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Mudane Shiikh Cumar Cali Rooble oo ka wakiil ah Wasiirka 1-aad ee (XFS) Eng. Maxamed Xuseen Rooble ayaa la qadeeyay Agoonta Booliska Soomaaliyeed
Munaasabadaasi ayaa lagu gudoonsiinayay Agoonta Xaqul-Ciid waxaana goobjoog ka ahaa munaasabada Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta XFS Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax iyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare XFS Eng. Cabdullahi Abuukar.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen.Cabdi Xasan Xijaar iyo Maamulaha Xarunta Barbaarinta Agoonta Booliska Soomaaliyeed Jen. Cali Gaab ayaa ugu mahadceliyey Raysal-wasaaraha fulinta ballanqaadkii uu usameeyay caruurta, wuxuuna Wasiirka Awqaafa iyo Arr. Diinta Somaliya ku bogaadiyay Umadda Somaaliyeed gaar ahaan Buliisaka sida aay u gacan qabteen Agoontaas