
Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta XFS ayaa maanta qabatay munaasabad weyn oo dalka & dadka loogu duceynayay, laguna daahfurayay Barnaamij lagu tababarayo Imaamyo, Khadiibyo, Culumo & Macallimiin Dugsi Quraan. Waxaana tababarka uu furay Wasiirka Wasaaradda Mudane Cumar Cali Rooble, waxaana tababarkaan bixin doona Jaamacadda Al-Azhar Alshariif.
Munaasabadaan ayaa kusoo beegantay iyadoo maanta uu curtay sanadka cusub ee Hijriyada ee 1443. Waxaa Ummadda Soomaaliyeed & Ummadaha Islaamka ah loogu duceeyay sanadkan kiisa kale in ay ku gaaraan Barwaaqo, Amni, Xasilloonni & nabadgelyo.





